Dhageyso: Sh. Maxamed Atom Oo Talo Cajiib Ah Usoo Diray Abu Mansuur Rooboow & Sh. Xasan Daahir Aweys

Wadaadka Sheekh Maxamed Siciid Atom ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya kuwaasi oo la aaminsan yahay inuu sheeda kala socdo.

Maxamed Siciid Atom oo ahaa Hogaamiyihii Shabaab Ee Deegaanada Puntland waxaana uu ku dhawaaqay inuu iskaga soo cararay Shabaab iskuna dhiibay Dawlada Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

8 June Ee Sanadkii 2014-kii ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho,waxaana uu ka hadlay Maxamed Siciid Atom in khaladaad ay galeen Shabaab uu u adkeysan waayey kagana soo cararay.

Sheekh Atom waxa uu hadda kusugan yahay Magaalada Doxa Ee Dalka Qatar oo Magan galyo siisey isagoo baaq usoo diray Xasan Daahir iyo Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur in hadii ay Sii joogaan Dalka in la dilo ay ubadan tahay oo Doxa yimaadaan.

Badweyn.com ayaa xog ku heshay in Sheekh Maxamed Siciid Atom uu Qatar Kala hadlay in Saraakiishaasi ay keento Doxa oo ay ku nabad heli karaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)