DHAGEYSO: R/W Kheyre oo Shuruud Adag ku Xiray Shaqo Helista Dhalinyarada Somaliya

Wasiirka Koobaad Ee Xukuumada Soomaaliiya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ka hadlay dayacnaanta Shaqo La’aan Ee Dhalinyarada Heysata.

Waxa uu sheegay Xasan Kheyre in dhaqaale ahaan Waddanka uu hoos udhacay islamarkaana ganacsiga kuwa heystana sidii la rabay uga faa’iideysan.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

R/W Kheyre oo saxaafada la hadlay waxa uu tibaaxay in dhalinyarada oo shaqo Abuur loo helaa ay ka horeyso in iyagu ka qeyb qaataan Dib udhiska Dalka sida uu warka uyiri.

Waxa uu sheegay in Soomaalida ugu baaqay inay isku soo dhawaadaan,dhanka kalena sheegay in Tahriibka laga hor istaago dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadu ay ku dedaali doonto Shaqo Abuur Dhalinyarada Ah xilli Dhalinyaro badan ay gidaarada la fadhiyaan Shaqo la’aan xitaa iyagoo Jaamacado kasoo qalin jabiyey.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)