DHAGEYSO:- Qareenadii Soomaaliya ka socday oo ka hadlay Go’aanka Maxkamada ICJ

Maxkamada Cadaalada dunida ee ICJ ayaa go’aan ka gaadrtay dacwadii Kenya ee ahayd in Maxkamadu aysan qaadi karin dacwada muranka xuduuda badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Somalia maadaama labada wadan ay heshiis isafgarad ah wada gaareeeen sanadkii 2009 kaas oo dhigaya in labada dal dhexdooda xalistaan muranka xuduuda badda ee ka dhaxeeya.

Maxkamadu waxay go’aamisay iney qaadi doonto dacwada muranka xuduuda badda ee dowlada Somalia usoo gudbisay Maxkamada Cadaalada.Go’aankan waxaa isku raacay 13 garsoore oo kamid ah 15-ka garsoore ee Maxkamadu leedahay.

Waxaa xusid mudan oo ah in Soomaalidu ku baraarugto in qaar kamid ah doodii Somalia maxkamdu diiday,waana arin khatarteeda yeelan karta wajiga labaad ee dacwada.Hadaba waa maxay arinta Somalia maxkamadu ka diiday?Doodihii Somalia waxaa kamid ahaa in heshiiskii isafgarad ee sanadkii 2009 dhexmaray Somalia iyo Kenya uu laalay Baarlamaankii Somalia ee xiligaas jiray sidaas darteedna uusan heshiiskaas noqon karin mid sharci ah oo la cuskado.

Maxkamadu arintan way diiday waxa ayna go’aankeeda ku sheegtay in heshiiskaas laba wasiir oo ka kala socday labada dal ay kala saxiixdeen sidaas darteedna uu sharci yahay una baahnayn ogolaansho baarlamaan.

Maxkamadu Khamiistii waxa kaliya ay go’aamisay waa in dacwada muranka badda ay qaadayso waxaana dhiman arintii ugu muhiimsanayd oo ah dhul badeedka lagu muransan yahay yaa leh,waana arinta ubaahan in dowlada Somalia ee dhalan doonta aad ugu diyaar garowdo.

HAKAN HOOSE RIIX


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)