DHAGEYSO: Qaabkii Maanta Xukuumada Puntland Loo Kala Diray & Buuq Dhacay

Kulankii maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland iskugu yimaadeen ayaa si aan la fileyn waxaa kalsoonida lagala noqday Xukuumadii Jirtay.

Markii ugu horeysay ayey noqoneysaa oo Xukuumad shaqeeeysay weyso Kalsoonida tan iyo Aas aaskii Maamul Gobolleedka Puntland Sanadkii 1998-kii.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Dad badan oo Siyaasiyiin Leh iyo Aqoonyahano kasoo jeeda Puntland waxay ka digeen Xaalad cakiran oo Puntland kusoo wajahan hadii aan laga gaarin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka PL Axmed Xaashi ayaa waxa uu ka hadlay sida maanta codka loo kala dhiibtay iyo Qaabka Kalsoonida loogala noqday Xukuumadii C/weli Gaas Soo dhisay sanado ka hor.

Mararka qaar waxaa la maqlayey Buuq iyo Qeylo Xildhibaanada wax riday ahaa waxaana kadib tirada markii la shaaciyey la maqlay Sacab ay tumayeen kuwii Golaha Wasiirada riday.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)