DHAGEYSO: Ninkii Isku Qarxiyey Shalay B/Xaawo+Qabiilkiisa & Shabaab oo Xog Bixiyey

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Magaca Ninkii fuliyey Ismiidaamintii shalay ka dhacday Magaalada Buula Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Qaraxaasi ayaa waxa uu ahaa Gaari ay waxyaabo qarxa ka buuxeen oo isku miidaamiyey xero katirsan kuwa Maamulka J/Land iyo kuwa Dawlada ka joogeen B/Xaawo.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Ninkaasi is haligay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Axmad Jaamac Nuur oo loo yaqaanay (Zubeyr) Qabiilkiisa ayaa ahaa Jareer Weyne Gaar Ahaan Reer Shabelle.

Cod Laga Duubay ka hor inta uusan Ismiidaamin ayuu Axmed Zubeyr kaga hadlay Sababta keentay inuu is halifo oo Naftiisa jaro,waxaana uu fariin udiray Shabaabka kale Ee udiyaarsan in ay is qarxiyaan.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Buula Xaawo waxaa la sheegay in Askar badan ay ku dhinteen oo Dawlada iyo Jubbaland katirsanaa islamarkaana Shabaab ay Gaadiid ku qabsadeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)