DHAGEYSO: Musharax Xasan Sheekh oo balan qaaday 3 qodob

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka horjeedinayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Afartii sano ee lasoo dhaafay intii uu Xilka haayay uu waxbadan ka qabtay Midnimada Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay Arimaha maamulka Somaliland ayuu sheegay in uu ku guuleystay in dad badan oo xilal ka hayay maamulka Somaliland in ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xusay in xataa ay heshiisiyaan Beelaha Somaliland hadii ay dirir dhexmarto.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in uu yahay hogaamiyaha Afarta Sano ee Soo socota , waxaana uu sheegay in 2020 Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha ay guran doonaan miraha ka dhashay Waxqabadkiisa.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu Balan qaadayo 3 qodob  hadii la doorto markale  waxaana ka mid ah in Ciidanka Ammaanka ay la wareegayaan ammaanka dalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)