Dhageyso” Maxay Isku Hayaan Bajaajleyda Iyo Ciidanka Amniga?

Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jireen dhibaatooyin ka dhex oognaa dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta iyo Ciidamada ammaanka ayaa warbaahinta usheegay in qabad weyn ay kajirto

Waxyaabaha aan isku taxalujinay in aan ogaano waxay aheyd sababaha inta badan loo dilo ama loo waxyeeleeyo wadayaasha Bajaajta.

Aweys Macalin isaga oo dhex fadhiya Mootadiisa ayuu Shebelle u sheegay in ay la kulmaan tacadiyo uga imaanaya Askarta, laftigiisu wuxuu qirsan yahay dhibaatadaasi qeyb ka mid ah in masuuliyadeeda ay leeyihiin iyagu.

Dhankiisa Jaamac Axmed oo kaxeeya gaadiida dadweynaha ee Hoomeyda wuxuu qaladka saarayaa Bajaajleyda, wuxuu ku eedeeyay in ay aysan aqoon shuruucda waddooyinka.

Dadweynaha isticmaala Mootadan waxa ay aaminsan yihiin in waqti fudud ay ku tagaan halka ay doonayaan.

Axmed Cabdiraxmaan wuxuu xilliga aan la kulmay ka soo dagay Mooto Bajaaj.

Aqoonyahan Maxamed C/raxmaan Khaliif oo Jaamacad ku taalla Kenya ka diyaariyay cilmiga bulshada talo ahaan wuxuu soo jeedinayaa in la helo sharci qoran oo kala hagaya Askarta iyo dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta.

Dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootadan saddexda lugood leh ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aysan jirin eedeysanayaal loo soo qabtay ficiladaasi.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here