DHAGEYSO: Maxaa xigi doono go’aanka ICJ

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa shalay go’aansatay in ay gasho dacwadda ay Soomaaliya ku soo oogtay Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal.

Waxaa hadda la filayaa in si rasmi ah ay u billaabato dhagaysiga dacwadda.

Gudoomiyaha Hay’adda Badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Khare oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay dacwadii ay ku wajahi laheyd Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ay qabaan in dowladda Soomaaliya ay ka guuleysato dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga rabaa in ay diyaariso qorshihii ay ku sii wadi laheyd Dacwadda .

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay diyaariso Dacwad ay ku doonayso in ay isku difaacdo.

Aqoonyahanada dhanka Sharciga Badda ayaa sheegaya in Dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ay socon doonto Muddo ku siman 10 Sano.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)