DHAGEYSO: Maxaa Kala Socotaa Dil Xalay Ka Dhacay Muqdisho?+Magaca Qofka La Dilay

Koox Hubeysan ayaa waxay Xalay dil ka geysteen Magaalada Muqdisho iyadoo Xaalada Amni Ee Xamar waayahaan umuuqato mid sii xumaaneysay.

Dilka Marxuum Dahabo Xuseen ayaa waxa fuliyey Dableey sitay Bistoolado iyagoo dhowr Xabo ku shanaqay goobtana ay ku quur baxday.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Waxa uu ka dhacay Xalay fiidkii dilkaasi Dahabo Loo geystay Xaafada Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid lamana oga sababta keentay beegsiga Marxuumadaasi.

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana goor hore baxsaday gacan ku dhiiglayaasha,islamarkaana ay Ehelada Dahabo ay Meydkeeda meesha kasoo qaateen.

Dilkaasi Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkaan Dilal Qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah Gobolka Banaadir iyadoo hoos udhac laga dareemay Howlgalkii Xasilinta Xamar.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)