Dhageyso: Mas’uul Katirsan Villa Soomaaliya Oo Khiyaano Uu Sameeyey Guri Ka Iibsaday Kenya [MAGACIISA]

Madaxtooyada Soomaaliya Ee Dalka looga Arimiyo ayaa waxa la sheegay in Xubnaha ka shaqeeya ay dhaqaale ka tacbeen inta xilka hayeen.

Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada ninka lagu magacaabo C/risaaq Shoole ayaa dhaqaale uu qaranka lahaa jeebka gishay Guri weyna ka iibsaday magaalada Nairobi.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Cabdirisaaq Shoole ayaa waxa meesha keenay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo xitaa uu isku dayey inuu ka dhigo Taliyaha Cusub Ee NISA in loo magacaabo.

Inkabadan 160 Kun Dollar ayaa la sheegay in ay ku baxday Guriga uu iibsaday Agaasime kuxigeenka VILLA SOMALIA,waxaana la sheegay in hadda Farmaajo uu amray in la daba galo lacagtaasi iyo sida ay ku timid.

Sikastaba ha’ahaatee Badweyn.com ayaa ku ogaatay Xog in loo diiday Taliyaha NISA in laga dhigo C/risaaq Shoole sidaa awgeedna loo qal qaalinayo in laga dhigo Safiir ka mid ah Kuwa Caalamka si gaar ah Kenya ayaa lala rabaa in loo magacaabo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)