Dhageyso: Maleeshiyaad Hubeysan Oo Doonaya Inay Soo Faagaan Qabuurta Qaar Muqdisho iyagoo Hal Arin Usocda

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheeda kala socotaa Qolyo Maleeshiyaad ah oo Qabuurta inay Faagaan la sheegay Xilliyada Habeenkii Ah.

Maleeshiyadaan ayaa ujeedkooda waxa uu yahay helista dad ka maqan oo Ehelkooda ah ayna garan la’yihiin halka lagu Xabaalay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Baahin.com ayaa xog ku heshay In Maleeshiyadaan oo Qoryo wata lagu arkay meelo ay is leeyihiin waa lagu xabaalay Askartii Lagu Laayey Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur lagu qaaday.

Waxay ubadan yihiin Maleeshiyadaasi Habar Gidir kuwaas oo ka xun dhibkii ku dhacay Dadkooda kadibna ay Dawlada Xabaashay.

Lama oga sida uu xaalka noqon karo balse waxaa la sheegayaa in jawiga uusan wanaagsaneyn marka loo eego Dawlada oo kor kala socota Qorshaha ay Maleeshiyaadaasi ka fulinayaan Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay