DHAGEYSO: Maamulka HirShabelle oo Ciidan kala dhex dhigay Beelo ku dagaalamay Balcad

Waxaa maanta ciidan Maamulka HirShabelle ay soo kala dhex dhigeen Beelo ku dagaalamay Deegaanka Buula Shareey Shiikhaal Ee Duleedka Balcad.

Gobolka Shabellaha Dhexe Xadka ay wadaagaan Gobolka Sh/Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal beeleed uu ka dhacay khasaaro kala duwana uu geystay.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Geelle Maxamed Jiimbaar oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Balcad ayaa waxa uu sheegay in ciidan loo diray degmadaasi.

Waxa uu tibaaxay in ay ku baaqayaan la joojiyo dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Xadka ay wadaagaan Gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)