DHAGEYSO: Lix Qodob Qofkii Laga Helo Dadka Caalamka Ku Nool Lama Mid Ahan+Iska Baar Adigana

Soo jiidashada iyo charisma-ha uu qofku leeyahay waxaa loo aqoonsan yahay iney tahay hibo uu qofka Illaahay siiyo oo dadka oo dhani aaney wada haysan. Laakiin daraasadaha cilmiyeed ee dhawaan la sameeyay ayaase u sameeyay qiyaas cilmiyeed oo lagu garan karo qofka sifadaa leh, arrintaas oo keensaneysa inuu qofku kala ogaado inuu yahay qof soo jiidasho leh iyo in kale.

Koox cilmibaarayaal ah oo ka tirsan jaamcadda Toronto ayaa soo saaray waddo cilmiyeed sahlan oo ah habka lagu garto qofka charisma-ha leh dadka kalena looga dhex sooci karo.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Warqadda cilmibaarista jaamacadda ayaa lagu faafiyay ” Personality and Social Psychology“, taas oo lagu sheegay in qof lagu tilmaamo inuu soo jiidasho leeyahay iyo in kale ay u baahan tahay in 6 su’aalood laga jawaabo, lixdaa su’aalood ayaa mid kasta darajo gaar ah lagu bixinayaa oo uu qofku ka helayaa, waxayna ku xiran tahay hadba sida uu uga jawaabo, waxaana lagu qiimeynayaa 1 illaa 5 darajo.

Kadib marka su’aal kasta darajo laga siiyo ayaa la isku geynayaa natiijada kasoo baxdana waxaa loo qeybinayaan 6, haddii uu qofku helo darajo ka badan 3.7 waxaa lagu tirinayaa inuu yahay tahay qof u janjeera dhanka charisma-ha oo uu ka agdhawdahay qof soo jiidashada leh, marka lala barabar dhigo qofka caadiga ah.

Qiyaastan ayaa waxay kasoo baxday daraasado kala duwan oo dhowr ah oo la sameeyay, laguna qiyaasay labada cilmi ee Bulshada iyo cilmi-nafsiga, waxaana lagu tijaabiyay ku dhawaad 1000(kun)qof oo ka qeybgalay tijaabooyinka daraasadda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)