Dhageyso: Kooxo Hubeysan oo Afduubtay Qoys ka kooban Aabe, Hooyo iyo Cunug ay dhashay…

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Qoys ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo Cunug ay dhashay ay ka afduubteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qoyskaasi la afduubtay ayaa la sheegay in la geeyay, laguna hayo deegaano hoostaga is maamulka Soomaalida ee daka Ethiopia.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Afduubkan uu yimid, kadib muran ka dhashay arrimo la xariira Qoys.

Suldaan C/qaadir Yuusuf Gabyaa oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa ka warbixiyay Afduubkaasi iyo sababta ka dambeysay intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here