DHAGEYSO: Kiiska Badda Soomaaliya oo laga digay in la siyaasadeeyo

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in aan la siyaasadaynin Kiiska Badda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta qaarkood ay Olle ku raadsanayaan Kiiska badda.

Arinta Badda ayay xuseen in ay tahay mid u taalla Soomaali weyn , islamarkaana in aan laga dhigin mid la siyaasadeeyo Musharaxiinta Qaarkood ay codad ku raadsadaan.

Hadalka kasoo baxay Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya Xilli ay soo baxayaan warar kala duwan oo sheegaya in Kiiska badda Soomaaliya uu qeyb ka noqdaan Ololaha Doorashada.

Shalay ayay ahayd Markii Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ay si rasmi ah u shaacisay in ay geli karto ama ay qaadi karto Dacwada Muranka badda ah ee u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, Waxaana Dowladda Kenya ay horay u diidan in Maxkamada ICJ aysan qaadi Karin dacwada kala dhaxeysa Dowladda Soomaaliya ee la xiriirta badda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)