DHAGEYSO: K/Galbeed Oo Xog Cusub Ka Bixiyey Shaqaalihii Lagu Afduubtay Duleedka Baydhabo

Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen Shaqaale Shalay Lagu afduubtay Duleedka Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Ilaa Lix Qof oo Shaqaale katirsan Hay’ada  Aan Dowliga Aheyn Ee KAREEDO ayaa waxa afduubtay Dableey Hubeysan xilli ay marayeen Tuulada Garas Mooshin oo qiyaastii Baydhabo 20KM ujira.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Dadka la qafaashay ayaa ahaa Soomaali dhamaantood waana 5 Qof oo Hay’ada Howlwadeen u ahaa iyo darawalkii gaariga ukaxeenayey Shaqaalahaasi.

Saraakiisha Hay’ada KAREEDO waxay xaqiijiyeen in Shaqaale iyaga katirsanaa la waayey shalay isniintii xilli ay ku safrayeen meel udhaw Baydhabo cid afduubatayna aysan ogeyn.

Afhayeenka Maamulka K/Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa warbaahinta usheegay in Al Shabaab ay ka dambeeyeen weerarkaasi Afduubka ah sida uu warka udhigay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)