DHAGEYSO: Inkabadan 270 Qof oo Bil Gudaheed Ku Dhintay Xeryaha Qaar Muqdisho

Waxaa Xeryahah dadka soo barakacay Ee Ku yaalla Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Xaalado adag oo dhinaca Nolosha ah ay ka jiraan.

Dadkaan ayaa badankood waxay kasoo barakaceen Abaartii ku dhufatay qeybo ka mid ah Gobollada Soomaaliya Bilo ka hor iyadoo dad badan ay wajahayaan xaalado Nolol Xumi Ah.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Qoysaskaan oo badankood ka qaaday Nadaaafad darida Meelaha banaanka ay ku saxaroodaan iyo Cudurka Jadeecada ayaa dad badan uu dilay.

Ilaa 275 Qof ayaa la sheegay in bil gudaheed Cuduradaasi Jadeecada,Shubanka iyo Xiiq dheerta ugu dhinteen Xeryo ku yaalla Degmada Kaxda Ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi ayaa waxa uu sheegay in bil walbo tiro koob ay sameeyaan lagu ogaaday in dadkaasi ay dhinteen isagoo sheegay in Xaalad adag dadka barakacayasha ah ku nool yihiin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)