DHAGEYSO: Howlgalkii Fashilmay & Sidii Sargaalka Awoodiisa U Isticmaalay

Maamo Kutubo Cali oo ahayd Hooyo dhawaan cadaalad-darro ka tirsanaysay Garsoorka Puntland, ayaa hadda nafteedu halis ku jirtaa, sida ay xaqiijisay, ka dib markii ay weerareen Dabley hubeysan oo ay ku eedeynayso in ay leeyihiin ciidan katirsan Puntland.

Xeer Ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed ayaa lagu eedeynayaa in uu qorshaha xalay ciidankiisu fuliyeen.

“Waxaa la ii sheegay ninka warqada ka akhrinayey magacayga ee xalay gurigaga yimi inuu ahaa Maxamed Xareed Darawalkiisa,” ayay tiri Kutubo Cali.