DHAGEYSO: Gudoomiyaha G/Hiiraan oo Runta Usheegay Ajnabiga Kusugan Gobolkaasi

Inta badan Shaqo La’aanta ka jirta Dalka waxaa ugu wacan in Qaraabo ahaan la isku geeyo goobaha Shaqada oo Aqoon aan lagu qiimeyn qofka heerka uu ka gaarsiisan yahay.

Musuqaasi oo dilooday Dalkeena wixii ka dambeeyey bur burkii Dawladii Siyaad Barre waxaa laga dhaxlay in xitaa dhalinyarada wax bartay ay waayaan shaqo uqalanta.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Ee HirShabelle Cumar Aadan Duqoow oo Warbaahinta la hadlay  waxa uu fariin culus udiray Hay’adaha Ajnabiga Ah.

Waxa uu gudoomiye Cumar sheegay inay kala hadleen Ajaanibta kusugan Gobolkaasi in Fursadaha Shaqo ay soo bandhigayaan lasiiyo oo imtixaanka laga qeyb geliyo Aqoonyahanada kasoo jeeda HirShabelle oo aan qof deegaanka aheyn meelo kale lagakeenin.

Gudoomiye Duqoow oo sii hadlayey waxa uu ballanqaaday in Shaqo abuur ay usameyn doonaan Dhalinyarada aan shaqada heysan ee kusugan Gobolka Hiiraan sida uu warka udhigay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)