DHAGEYSO: Gudiga Doorashada Madaxweynaha HirShabelle & Doorka Villa Somaaliya

Waxaa dhawaan la filayaa in Doorashada Madaxweynaha HirShabelle ay ka dhacdo Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xalay waxaa Gudiga ay sheegeen in Murashaxiinta Qaarkood loo qabtay Dood wadaag qaar ka mid ah Telefishinada toos looga daawanayey.

Afhayeenka Gudiga Doorashada madaxweynaha HirShabelle C/weli Sheekh Cali  oo Duhurnimadii Wareysi siiyey Idaacada Asal Ee Jowhar ku taalla ayaa sheegay inaysan jirin wax ay gudigooda la socdaan oo kusaabsan Madaxtooyada Soomaaliya Murashaxiin ay wadato oo Xilka HirShabelle lala doonayo.

Waxa uu sheegay Cabdiweli inay ku dedaali doonaan sidii ay dhex dhexaad gudigooda uga noqon lahaayeen Dooashada ka dhaceysa Jowhar oo kudhawaad 10 Murashax ay isku soo taageen.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)