DHAGEYSO: General Galaal Oo Kashifay Sababta Galmudug Loogu Duulaan Tegay

Xaalada Galmudugu iyo Deegaanadeeda Siyaasad Ahaan ma sal fadhin muddo sanado ah.

Xurgufta marna lagu jahwareeray Madaxdii Maamulka Marna ay Dawlada Dhexe Fara gelin ku sameysay waxay taas sabab ka dhigtay in dad badan ay ka niyad jabaan Hormarkii la filayey.

Xaaf oo ah Madaxweynaha Xilka sii haya Galmudug ayaa wajahay Duulaamo siyaasadeed oo hadba dhinac iyo magac gaar ah watay.

Inkastoo qudhiisa lagu sheegay mid isbad badel badnaa oo intuu xukunka hayey Marna Dawlada La heshiiyey marna Hadalo Xanaf leh ku duray.

Gudi ayaa dhawaan Dawlada Dhexe umagacowday inay dhismaha Galmudugta Cusub iyo Arimaha Farsamada ka shaqeeyaan,13 Xubnood waxaa saacado kadib is casishay Haweeneeydii keliya Ee Gudigaasi.

General Maxamed Nuur Galaal oo deegaan ahaan Dhuuso mareeb kasoo jeeda si fiicana Siyaasada ula socda ayaa quus ka muujiyey sida loo wajahayo Doorashada Galmudug.