DHAGEYSO: Ganacsato Caan Ah oo soo Bandhigay Khaladaad uu galay Wasiir Beyle

Miisaaniyada Dawlada Soomaaliya ayaa waxay hadda hortaallaa Baarlamaanka Golaha Shacabka taasi oo laga doodayo ka hor inta aan cod loo qaadin.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hortegay Shalay Sabtidii Xildhibaanada isagoo u akhriyey Nuxurka Miisaaniyada Dawlada Ee Sanadkaan.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Waxaa soo baxay in xagal daacin ay jirto oo lagu kala jebinayo Ganacsatada Soomaaliyeed,qaarkood waxay sheegeen inay jiraan Wasiirku in Ganacsto uu Naas nuujin usameenayo.

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaana Lacag malaayiin ah ka heli doonta Miisaaniyadaan hadii Baarlamaanka meel mariyo taasi oo cabasho ay durba ganacsato kale ka keeneen sida qorshahan usocdo.

Cali Dhoore oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka digay in dhibaato dhaqaale ay ka dhalan karto sida ay wax usocdaan isagoo tibaaxay in Rugta Ganacsiga ay labo garab ukala jabtay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)