DHAGEYSO: Galmudug Oo Amar Culus Soo Saartay Ka Hor Safarka Madaxweyne Farmaajo

Berri Oo Isniin Ah ayaa la filayaa in magaalada Cadaado uu gaaro Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xubno qeyb ka ah Wafdigiisa.

Socdaal dheer oo dhulka ah ayuu Todobaad ku joogaa Meelo kala duwana uu soo maray Gobollada Nugaal,Mudug iyo Bari islamarkaana lagu sheegay mid taariikhi ah Safarkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa Madaxweyne Farmaajo Socdaalkiisa uu ku macneeyey ukuur gelida Deegaanada ay Soomaalida kusugan yihiin,Noloshooda dhabta ah,Waxay ubaahan yihiin iyo Dib uheshiin la sameeyo.

Cadaado oo ah iminka Caasimada KMG ah Ee Galmudug State ayaana Isniinta Berri uu ku foogan yahay Farmaajo iyo wafdiga la socda oo hadda qaban qaabo laga dareemayo Magaaladaas soo dhaweynta Wafdiga.

Taliyaha Ilaalada Waddooyinka Ee Dawlad Gobolleedka Galmudug Daahir Caseyr oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa Amar kasoo saaray in baabuur aan Taariko laheyn lagu dhex arki karin Cadaado inta Wafdigaasi ay Galmudug kusugan yihiin si gaar ah Cadaado ilaa Caabud Waaq ayaana laga mamnuucay Gaadiidka aan taarikada laheyn inay isticmaalaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay