DHAGEYSO: Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Baadiyaha Afmadoow & Shabaab oo..

Diyaarado dagaal ayaa waxay weerar cirka ka duqeeyeen Saldhigyo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen Saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab.

Waxa ay duqeyntaasi ka dhacday Baadiyaha Afmadoow iyo Xagar udhaxeeya waxaana adag in la helo khasaaraha dhabta ah ee Duqeynta ka dhalatay.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Dadka deggan Aaga la duqeeyey waxay sheegeen keliya in jug xoogan ay maqlayeen balse ogaan karin sida ay wax udhaceen iyagoo sheegay in Al Shabaab la beegsaday.

Warbaahinta qaar waxay dhankooda faafiyeen in la weeraray goob ay isku soo abaabulayeen Shabaabka oo la bur buriyey Fariisimihii ay kusugnaayeen.

Diyaaradaha weerarka fuliyey weli lama ogaan halka laga leeyahay waxaase loo maleenayaa in kuwa Kenya ahaayeen mana ahan markii ugu horeysay oo duqeyn laga fuliyo deegaano ku dhaw Afmadoow Gobolka J/Hoose.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)