DHAGEYSO: Dowladda Kenya oo loo qabtay waqtiga ay kaga soo jawaabeyso Dacwadda Badda

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu ka hadlay guushii Soomaaliya ay ka gaartay muranka Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay muranka Dacwadda in uu soo socday mudo Labo sano ah, go’aankii ugu horeeyayna uu soo baxay Khamiistii, go’aankaas oo ku saleysnaa is hor istaagii hordhaca ahaa ee ay Dowladda Kenya u soo gudbisay Maxkamadda, si aanay Maxkamadda u dhageysan Dacwadda.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwadan ay juhdi badan geliyeen Xukuumada, Qareenada, Aqoonyahanada iyo shacabka Soomaaliyeed, taasina ay sababtay in guul hordhac ah Soomaaliya ay ka gaarto muranka Badda.

Waxa uu sheegay Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ee fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee Dalka Holland in ay ku qanacday doodii Dowladda Federaalka, taasina ay sababtay in la diido sheegashadii Kenya.

Dr.Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dowladda Federaalka ayaa sheegay Dowladda Kenya in la siin doono mudo ku siman 6 Bilood, mudadaasna ay kaga soo jawaabi doonto Dacwadda hortaalla, intaasi kadibna la guda gali doono dooda Labaad, taas oo laga soo saari doono go’aanka ugu dambeeya.

Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in ay leedahay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, kadib heshiis ay sheegtay in ay la gashay Madaxdii Dowladdii KMG aheyd.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)