DHAGEYSO: Faa’iidada ku Jirta in Diyaarada Kenya Airweys Ka Shaqo Bilawdo Muqdisho

Dawlada Soomaaliya ayaa kuguuleysatay in dib usoo celiso wada shaqeyntii kala dhaxeysay Kenya dhinaca Duulimaadka Diyaaradooda.

Shirkada Kenya Airweys ayaa muddo 27 Sano kadib waxay bilaabi doontaa duulimaadkeedii Magaalada Muqdisho taasi oo dhawaan qorshaheeda in lasoo geba gabeeyo ay ubadan tahay.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Diyaarada Kenya Airweys ayaa la sheegay inay ka mid tahay Diyaaradaha Caalamiga ah Ee iskaga kala goosha Dunida taasi oo hadii ay Muqdisho ka shaqo bilowdo kubiireysa Diyaarado hore uga shaqo galay sida Turkish Airline.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka sheegay Nairobi in Madaxda dhigooda ah Ee Kenya la kulmeen waxyaabo badana isla soo hadal qaadeen.

Waxa uu Wasiir Salaad sheegay in la isku Afgartay ka shaqeynta Amniga Garoomada Diyaaradeed,Sii wadida Duulimaadka Tooska Ah Ee Xamar ilaa Nairobi iyo Kenya Airweys oo dhawaan Muqdisho Shaqo ka bilaabeysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)