DHAGEYSO: Dilkii Sheekh Cali dheere Oo la aqoonsaday Shakhsiyaadkii ka dambeeyey

Kiiska Gal dacwadeedka loo heysto gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyey dilka Allaha Unaxariistee Sheekh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere) oo ka mid ahaa ganacsatada laga yaqaano Gaalkacyo ayaa Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxay maalmahaan kiiskaasi dabagal ku heysay.

Mas’uuliyiin katirsan Maxkamada ciiidamada oo gaalkacyo utegay arintaan awgeed waxay maanta shaaciyeen qaabkii loo dilay Marxuumka iyo Askar ka qeyb qaadatay Dilkaasi oo baxsad ah.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Maamul Gobolleedyada Puntland iyo Galmudug la amray soo qabashada Askar ka qeyb qaatay dilka Sheekh Cali Dheere oo baxsaday Falka dilka kadib.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo ka hadlay Dilka Sheekh Cali Dheere kol hore waxa uu ballan qaaday in cadaalada la horkeeni doono kuwii ka dambeeyey dilka ganacsadahaasi.