DHAGEYSO: Dagaal Ka Socda Xadka Ay Wadaagaan Sh/dhexe & Sh/Hoose+Khasaaraha

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Balcad Xuduuda uu la wadaago Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in Dagaal Culus uu ka bilowday Saaka ilaa Duhurnimadaana uu ka socda halkaasi.

Xadka kala Qeybisa Gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe ayaana la sheegay in dagaalka uu ku dhexmarayo Labo Maleeshiyo Beeleed oo ood wadaag aheyd.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii uu dhul beereed beelahaasi isku qabsadeen sidaana gacan ka hadal uu sababay dagaalkana ku bilowday.

Qof ka mid ah dadka deggan Tuulada Buula yareey Shiikhaal ayaa sheegay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu geystay dagaalkaasi welina uu socdo.

Majirto waan waan laga dhex wado dagaalamayaasha waxaana laga cabsi qabaa in dirirta ay meelo hor leh kusii faafto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)