DHAGEYSO: Dad dan gaar ah leh oo Barakacin ka wada Baladweyne & Fadeexad ka jirta

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maalin walba uu arko boqolaal qoys oo ka barakacaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo uu sheegay in wax fatahaad ah jirin.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay dadku ku qaxayaan balse aan la ogeyn dadkaasi halka ka geyn doono,waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu xiray Goobihii uu wabiga ka fatihi jiray.

“Saakay markaan soo baxayay baabuurka iyo waxa sii socda waan la yaabay,Biyo fatahaad ah majiraan wadadii jaayga aheyd ee qooqane ayaan joognaa meelihii oo dhan waan xirnay,Alle ayaan idinku dhaarshaye dadka Nuur Xawaad ka qaxaya kawarama halkee ayay aadayaan ayuu yiri” Guddoomiye Jeyte.

Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in dad dano gaar ah leh oo aan Shacabka ka naxeyn ay barakicinayaan,waxaana Shacabka ku nool Magaalada Beledweyne uu ugu baaqay inay qaxa joojiyaan oo aysan dhibtoon maadaama Maamulka Gobolka Hiiraan uu wado qrsho looga hortagayo fatahaada Wabiga.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa markasta ka dhaca fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaas,waxaana dadka ay u barakacaan deegaanka Ceel-jaale ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Beledweyne.