DHAGEYSO COD SIR AH:- Xasan Sheekh Hadii uu Madaxweyne Noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalka waa Madaxweynihii hore Puntland Faroole

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh oo qorsheynaayo in oo ra’isulwasaare u magacaabo hadii oo guleysto madaxweynihii hore ee maamulka puntland cabdiraxmaan Faroole.

Xogtaan oo aan kasoo xiganay ilo u dhow dhow xafiiska Xasan Sheekh ayaa sheegaya in la qorsheynaayo in ra’isulwsaare  u magacaabo Cabdiraxmaan Faroole kasoo dhawaan kulan xasaasi ah kuyeesheyn xarunta madaxtooyada soomaaliya ogana hadleyn arimo dhowr ah.

Faroole oo la aamisan yahay inuu haysto taageerada xildhibaanada ugu badan ee kasoo jeeda Puntland ayaa waxaa uu dhawaan madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Xasan Sh, waxaana la helayaa iney halkaas heshiis ku gaareen

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Sh oo Itoobiya ku sugan uu xataa dowlada dalkaas ku wargeliyay in hadii uu guuleysto uu ra’isul wasaare ka dhigan doono Faroole, inkastoo aan la ogeyn hadii ay Itoobiya arintaas ogoshahay.

Si kastaba, Cabdi Raxmaan Faroole ayaa dadaal ugu jira in Xasan Sh uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya maadaama uu ogson yahay iney ku adag tahay inuu isaga guuleysto, waxaana uu doonayaa inuu ra’isul wasaare noqdo.

HALKAAN HOOSE RIIX


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)