DHAGEYSO: Cabitaankii Ugu Qaalisaa Dunida Oo Lasoo Saaray & Qiimahiisa Oo Kabadan 50 Milyan Dollar

Oxford Ayaa Soo Saartay Cabitaan ku kacay qiima ahaan $60 Milayn, Ciidanka Mareykanku Ay Ka Helayaan kaa oo siinaya “Awood Dheeri ah”.

Koox Saynisyahanno ah oo ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka UK ayaa waxay soo saareen cabitaan cusub oo baruurta jirka ka baabi’inaya, iyadoo aan loo baahneyn in nidaam cunto gooni ah la raaco.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Sida ay sheegayso jariidada Daily Mail, Cabitaankan ayaa ulajeedada loo sameeyay uu yahay, sida ay culumadu sheegayaan, in ciidanka Mareykanka laga dhigo kuwo awood badan xilliga la joogo goobta dagaalka, iyo in la xoojiyo awoodooda jirka iyo midda maskaxeed labadaba.

Shirkad ay xarunteedu tahay San Francisco gudaha dalka Mareykanka ayaa bilowday iney iibiso gacansiga ee cabitaankan oo ku jira dhalo, waxaana cabitaankan ku jira “Ketone” oo laga sameeyay waxyaabo dabiici ah, marka uu qofku cabo ayaa jirku waxa uu qashin saarkiisa ku darayaa baruurta jirka ku jira. Ketone-ka ayaa bedel u ah sonkorta jirka.

In badan oo ka tirsan dadka caanka ah ee adduunka ayaa raaca nidaamka Ketone oo cunooyinkooda ku darsada, iyadoo danta ay ka leeyihiin ay tahay iney miisaanka ku dhimaan awood farabadanna ay ka helaan, waxaana ugu caansan dadka cabitaankan adeegsada Kim Kardashian.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)