Dhageyso: Caalamka Oo Ka Yaaban Saacad Qofkii Soo Xirtaa Ay La Hadleyso Xaalad Khatar Ah Markii…

Koox cilmibaayaal ah ayaa soo saaray saacad cilmiyeed horumarsan, saacaddan ayaa ka digaysa xaaladaha degdegga ah ee caafimaad, waxayna xiriir la sameyn kartaa gaariga gurmadka dedegga ah ambulance-ka ah.

Saacaddan ayaa waxaa lagu soo rakibay qalab xasaasi ah oo si joogta ah ula socanayo garaaca wadnaha, heerka oxygen-ka jirka iyo heerkulka jirka oo saacad walba ay warbixin ka diyaarineyso.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Engineerada saacaddan horumariyay oo Hungary u dhashay ayaa sheegay in nidaamka saacadda ku rakiban uu baarayo jirka, khatartu halka ay ka jirto uu tilmaamayo marka ay wax cusub jirka kusoo dariyaan.

Tom Horvat oo ka mid ah dhakhaatiirta saacaddan qiimeysay shaqadana ka haysay ayaa yiri; “Saacaddu waxay u ruurineysaa data aad u baaxad badan iyadoo adeegsaneysa maskax automatic-ga ah ee ku rakiban, taas oo ay qiimeeyeen waxtarkeeda koox cilmibaayaal ah.”

Saacaddan ayaa suuqyada kusoo galaysa qiimo ka yar $300 iyadoo ay la socoto qiimo $50 oo si bille ah qofka looga qaadayo, taas oo ah khidmadda dhakhaatiirta talooyinka degdegga ah u fidiyanaya bukaanka meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waxana la filayaa in isla sanadkan ay suuqyada soo gasho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay