DHAGEYSO: Beelaha Habar Gidir Oo Lagu Kala Jebiyey Shirka Dhuuso mareeb

Shirka Dib uheshiisiinta Beelaha Galmudug degga ayaa la filayey inuu maanta ka furmo dhuuso mareeb balse dib udhac ayaa ku yimid.

Warar ayaa sheegaya in dawlada Dhexe ay arimo farsamo xumo awgeed ay dib udhigtay qabsoomida shirka oo aan muddo loo cayimin.

Hore 5-tii Bishaan ayaa sidaan oo kale uu dib uga dhacay in shirka la furo waxaase hubanti ah inay jiraan tirade loo baahnaa inaysan xaadirin sidaana shirka loo dhigay in dib udhaco.

Gudoomiyaha Qaban qaabada gudiga shirka dib uheshiisiinta Beelaha Galmudug Dr C/raxmaan Baadiyoow ayaa galabta sheegay inay jiraan ergo badan oo dhuuso mareeb gaartay.

Beelaha saruur iyo duduble ayuu magac dhabay oo Habar Gidir ku abtirsada ayna ergadooda soo dirsadeen sidaana shirka tiradii loo baahnaa uu gaaray dhawaana la furi doono.

C/raxmaan Baadiyoow waxa uu xusay inaysan jirin Beel diidan inay shirkaas xaadirto,isagoo si maldahan u sheegay in Habar gidir aysan diidi Karin oo Beelaha qaar ay ergadooda yimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here