DHAGEYSO: Banaanbax siyaasadeysan oo ka dhacay Muqdisho iyo Musharaxiin la garaacay+SAWIRRO

Banaanbax lagu taageerayay guushii Soomaaliya ay ka gaartay muranka Badda ee Kenya oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbax lagu taageerayay guushii Soomaaliya ayka  gaartay muranka Dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Daljirka Daahsoon, kadib markii Maxkamadda ICJ oo fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee Dalka ay ogolaatay in ay qaado Dacwadda Badda.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Ururka  Haweenka, Kooxda fanka ee Heegan iyo Dadweyne la kala keenay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay Banaanbaxan.

Shacabkii ka qeyb galay Banaanbaxan ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin Dad Soomaaliyeed oo isku duuban, lehna Dowlad awood leh, iyagoo sidoo kale sheegay berri samaadkii Dowladda Kenya in ay hoos imaan jirtay Soomaaliya, balse maanta ay isku dayayso in ay dhacdo Badda, maadaama Soomaaliya ay kala daadatay.

Waxa ay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka leeyihiin in Badda Soomaaliya laga soo dhiciyo Dowladda Kenya, maadaama Qareenada Soomaaliya u doodaya ay yihiin kuwo aad u garanaya kiisaska nuucaan oo kale ah.

Jawaahir Baarqab waa Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir waxa ay sheegtay in uusan muran ka jiri Karin Badda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay sababta Badda muranka loo geliyay in ay ka dambeeyaan Rag hada u sharaxn xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ugu dambeyntii hadalka soo xiray ayaa sheegay Gobolka Banaadir oo wakiil ka ah Gobolada kale ee Dalka in shacabkiisa ay maanta isugu soo baxeen farxadda ay ku muujinayaan guusha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay muranka Dacwadeed ee kala dhaxeeya Kenya.

Waxa uu sheegay rajada ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed in ay tahay mid wanaagsan, oo leh horu u socosho iyo niyad sami, maadaama Soomaalida meel walba oo ay joogaan ay ka hadleen arrintan.

Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in ay leedahay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in ay kala heshiisay Madaxdii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)