DHAGEYSO: Bahdilaada Haweenka Lagu Hayo Shaqo Bixinta 100 Sano Ayey Sii Jiri Doontaa

Dumarku Ha Sugaan 100 sano si Ay u Helaan Xuquuq La Mid ah Tan ay Raggu Haystaan.

Kooxda dhaqaalaha Adduunka ayaa waxbixin ay soo saareen horraantii bishan ayay kaga hadleen farqiga dhanka mushaarka iyo shaqo siinta u dhaxeysa ragga iyo dumarka 2017.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Forum-ka oo faafiyay warbixintiisa sanadlaha ayaa sinnaanta ragga iyo dumarka ee suuqa shaqada, fursadda shaqo, helitaanka waxbarasho iyo daryeelka caafimaad iyo ka qeybgalka siyaasadda kagaga hadlay.

Cilmibaaryaasha forum-ka ayaa xusay in uu xoogaa hoos u dhacay farqiga u dhaxeeya ragga iyo dumarka, waana arrinta aan dhicin laga soo bilaabo sanadkii 2006, laakiin sanadkan suurtogashay. Sida warbixinta cusubi ay tilmaameyso, waxaa loo baahan yahay in la sugo 100 sano si loo xaqiijiyo sinnaanta ragga iyo dumarka iyadoo ay tilmaameeen sinnaanta xuquuda shaqaduna ay u baahan tahay 217 sano oo kale in la sugo.

Warbixinta ayaa lagu xusay in dalalka dumarku ay ugu badan yihiin dhanka sinnaanta ragga ay ka mid yihiin; Iceland; Norway iyo Finland, Rwanda iyo Nicaragua. Wadama liiskan halka hoose kaga jira waxaa ka mid ah, Pakistan, Iran iyo Sacuudi Carabiya.

Klaus Schwab oo ah aasaha Forum-ka dhaqaalaha adduunka ayaa yiri waxaa waajib ah inaan ka adkaanno sinnaanta la’aanta labka iyo dhadigga, maxaayeelay, adduunka ayay ka xayiraysaa kheyraad aad u tiro badan oo lagu qasayo Balaayiin dollar ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)