DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Meel mariyey Sharci Saameyn Leh siweyna loo isha loogu haayay

Kulan ay iskugu yimaadeen Maanta Xildhibaanada Puntland ayey kaga hadleen Xeerka Tacliinta Sare Ee Maalmahaan dambe akhrintiisa ay ku jireen.

Waxa jirtay in Gudi Xildhibaano ah loo xil saaray inay dib u eegis kusoo sameeyaan Xeerkaasi oo caqabado dadka qaar ay ka muujinayeen qodobada ku jira.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Gudiga ayaa waxay sheegeen in waxna ay ka badeleen kuwo kalena ay kusoo kordhiyeen Xeerkani inta ay howshiisa ku jireen.

Xeerkani tacliinta Sare Ee Puntland waxa ugu dambeyn la cod geliyey Maanta iyadoo xildhibaanada ay meel mariyeen.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa Baarlamaanka Puntland kaga mahad celisey meel marinta Xeerka ama Sharcigaan oo noqonaya mid la isku hagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here