DHAGEYSO: Baarlamaanka HirShabelle oo ku Hanjabay in Hub U Adeegsan doonaan…

Iyadoo dagaal beeleed uu waayahaan dambe ka socda Qeybo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxaa hadda socota waan waan lagu doonayo daminta xiisadaasi.

Ciidamo ayey Maamulka Gobolka Sh/Dhexe udireen Deegaanka Buula Yareey Shiikhaal oo ku taalla Xadka Balcad la wadaagto Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Waxgarad iyo Cuqaal ayaa sidoo kale ku baxay sidii loo joojin lahaa Dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday dhinaca Balcad oo ay dhiiga iskaga daadinayaan dad Beero falato wada ah oo deegaanka deggan.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Maamulka HirShabelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa ku hanjabay hadii Warkooda Baaqa la dhageysan waayo ay Hub u adeegsan doonaan lagu kala dhex galayo Beelaha diriraya.

Waxa uu Mr Geedi sheegay inay ku cel celinayaan daminta xiisada oo wixii tabasho ah lagu dhameeyo miiska wada hadalka oo dagaal aan wax faa’iido ah keeneynin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)