DHAGEYSO: Askari Jabuutiyaan Ah oo Meydkiisa Yaallo Jalalaqsi & Xildhibaano Tagey

Dhawaan waxaa shaqaaqo ka dhacday Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan ku dhintay Askari katirsan Howlgalka AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda Waddanka Jabuuti.

Askarigaan ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa Ciidan kubaxay daminta Dagaal beeleed ka dhacay Degmadaasi waxaana meydkiisa weli aan loo duulin Dalkiisa.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Wafdi ka socday Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya oo Xildhibaano ah ayaa waxay gaareen Degmada Jalalaqsi kuwaasi oo kubaxay xalka gaarista dagaalkii dhiiga ku daatay.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa hogaaminayey Wafdigaan isagoo sheegay inay kulamo jiri doonaan ay la qaadanayaan Hogaanka Dhaqanka Beelaha Dagaalamaya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)