DHAGEYSO: Amniga Muqdisho oo Ciidan Aan Aheyn Boolis,NISA & AMISOM Lagu Wareejinayo

Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya ayaa hadda umuuqata mid kasoo yara wanaagsanaaneysa Amni ahaan sidii ay aheyd Mudooyinkii lasoo dhaafay.

Meelo badan oo Magaaladaasi ah ayaa la dhigay Ciidanka loogu magac daray xasilinta kuwaasi oo wax badan ka qabtay falalkii Nabad gelyada Xumeenayey.

Qaraxyadii iyo Dilalkii dhici jiray waa ay yaraadeen Magaalada Dadka ayaana soo dhaweeyey Arintaasi iyo Isbadelka dhacay dhinaca Nabad gelyada soo wanaagsanaatay.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Sidoo kale waxaa Wadada Maka Al Mukarama oo hore loogu yaqaanay Mashquul badan ay hadda tahay mid gaadiid yar isticmaalaan maadaama baabuurtii Baakinada la dhigan jiray la diiday.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo Saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in ciidan aan Aheyn NISA & Boolis midna lagu  wareejin doono Amniga Muqdisho.

Waxa uu Wasiir Ducaale sheegay in Ciidankaasi ay yihiin kuwo loogu talo galay si gaar ah Nabad gelyada Caasimada inay uxaqiijiyaan oo NISANA lagu soo koobo Dhar cad dadka Xuuraantooda soo dhageysta keliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)