DHAGEYSO: AMISOM oo Beenisey in Haweeneey Uur Leh ku Dileen Duleedka Xamar

Dhawaan waxaa jirtay in mid ka mid ah Gaadiidka Qafilan AMISOM wataan uu Haweeneey ku jiiray Duleedka Muqdisho sida ay Xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Arintaan ayaa waxaa war kasoo saaray isbuuc kadib Taliska Guud Ee Howlgalka AMISOM kaasi oo lagu Beeniyey warkaasi jiritaankiisa.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Warsaxaafadeed lagu daabacay Bogga AMISOM ee Internet-ka ayaa waxba kama jiraan lagu sheegay in Gaadiidkooda mid ka mid ah uu jiiray Haweeneydaasi.

Warka oo umuuqda mid lagu dafirayo jiritaanka ayaa waxay Taliska AMISOM sheegeen in 9 Bishaan July Kollonyo Gaadidkooda ah oo ka yimid Afgooye lagu Qarxiyey Duleedka Muqdisho balse dhaawac uu soo gaaray Haweeney meesha ka dhawey iyaguna ay baxnaanin usameeyeen ilaa Cusbitaal ay geeyeen ku yaalla Xamar sida ay yiraahdeen.

AMISOM ayaa sheegtay inay Soomaaliya u yimaadeen Nabadeynteeda balse aysan dhibaato la dooneyn iyagoo beeniyey war idaacad kutaalla Xamar ay ku sheegtay in isbuucii hore Gaari AMISOM leedahay Haweeneey jiiray.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)