DHAGEYSO: Al-Shabaab oo shaaciyay Magacyada & Qabiilada ragii fuliyay weerarkii Awdheegle

Warbaahinta Al-Shabaab ee Andulus ayaa baahisay warbixin wareysi wadata oo ku saabsan weerarkii maalmo ka hor ka dhacay saldhig Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen labo ka tirsan dagaalyahanadooda oo lagu kala magacaabo Maxamed Deeq Ibraahim Aadan iyo Manuur Ibraahim Xasan Gaabow.

Maxamed Deeq Ibraahim Aadan ayaa ah ruuxii kaxeynayay gaariga Qaraxa ee lagu weeraray saldhiga Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle,wuxuuna ka soo jeeda Beesha Dir gaar ahaan Jufada Gaadsan,sidoo kale Manuur Ibraahim Xasan Gaabow ayaa ka soo jeeda Beesha Raxaweyne gaar ahaan Jilible,waxayna labadoodaba ku geeriyoodeen weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray Ciidamada Mareynkanka uu tababaray ee loo yaqaano Bangaraft.

Raggaan ka hor intii aysan weerarka fulin ayay reebeen farriimow dhowr ah oo ku socda shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada taageeraya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here