Dhageyso: Abaabul Ka Socda Muqdisho Oo Xilka Looga Qaadayo Axmed Madoobe & C/weli Gaas

Warar madax banaan oo ay Heshay Shabkada Baahin.com ayaa waxay sheegayaan inuu socdo abaabul lagu doonayo in Xilka looga qaado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Hogaamiyaha Puntland C/weli Cali Gaas.

Kulamo is daba joog ah oo ay ka dambeyso Dawlada Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Xamar oo dhabarka looga tooganayey Labadasi Mas’uul.

Siyaasad ahaan Axmed Madoobe waa ka aragti fog yahay C/weli Gaas oo ah Aqoon yahan Sida Jaamacada loo dhigo ku takhasusay,waxaase siyaasada  uu muddo ku dhex jiro Gaas ay u iftiimisey waxyaabo badan.

God lagaa qaniinay ha is dhihin waa ku bad baadeysaa mar kale hadaad gasho,waa waxa maskaxda ay ku wareeganeyso Madaxda Maamul Gobolleedyada ka jira Soomaaliya.

Farmaajo ayaa wada majo xaabin lagu sameeyo kuwa Awooda la sheeganaya ee Maamul Gobolleedyada ka taliya ama hogaanka u ah badelkoodana geyn doona kuwo Dawlada Dhexe kudaba feelma.

Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland ayaa ah Siyaasi Aragti fog waxaana uu ka feejigan yahay xilka qaadista loo maleegayo ee Xamar ka socota ama xilka looga xayuubin lahaa.

Mowjado Siyaasadeed ayaa lagu kicinayaa Madaxweyne Walbo oo loo arko inuu Dawlada Soomaaliya la awood sheegta meeshana xildhibaanada ayaa hawada ka saaraya,sida lagu ceeriyey Cali Cabdullaahi Cosoble.

Gaas ayaa muujiyey Cabsi ku aadan in ay socoto jeeb gelis iyo Mooshino la abaabulayo oo Xamar iyo Garowe ka socda balse ay ilaa karaankooda ay sameyn doonaan wixii ay isku difaaci lahaayeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay