Dhagayso: Xukumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Qorshe xal u ah amaanka Muqdisho

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay inuu jiro qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka Muqdisho.

Isagoo marti ku ahaa TV-ga dowladda ayuu sheegay in dowladda Federaalka ay muddo kooban ku diyaarisay Qorshe Amniga Caasimadda loogu tala galay in lagu xasiliyo Amniga iyo nabadda

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA

Wuxuu iontaas ku daray in fulinta qorshaha oo bilaabaanaya looga baahan yahay shacabka in ay la shaqeeyeen ciidamada dowladda, soona sheegaan ciddii ku dhex jirta falal ammaandarro.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka wuxuu ku dooday in ammaanka aysan sugi karin oo kaliya  wasaaradda Amniga iyo Nabadsugidda, balse masuuliyad ka saaran yahay qof kasta oo muwaawin ah.

1

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Soomaali-doone says:

    SOOMAALIDU WAXAY KU MAAHMAAHDAA
    NIN KUDILAYAA KUMA XIGO!
    Shacabku lama shaqeynkaro Ciidamada dowlada inta ciidamadu ka waantoobayaan Dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan ee ay kamid tahay Dilka, Dhaca, Kufsiga, argogixinta IWM, Waa in askarigu noqdaa mid dishbiliin leh oo ay jirtaa laxisaabtan dhab ah , loona ciqaabo dambiyada uu galo. Markaas ayay shacabku ixtiraami lana shaqeyn ciidamada amaanka