DHAGAYSO XOG XASAASI AH: Musharaxiintii Ugu Badnaa oo ku biiray Madasha Horusocod ee Nairobi iyo Xiliga ay Mooshinka geyn doonaan Barlamaanka

Warar lama filaan ah ayaa kasoo baxaya  madasha Horu-socod oo looga dhawaaqay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ku dhawaad Boqol Xildhibaan ayaa dhawaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga dhawaaqay madal cusub oo ay ugu magac dareyn HORUSOCOD, waxaana madax looga dhigay Cabdirashiid xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba dabagal dheer kadib ayaa lagu ogaaday cidda ka dambeyso madashaan iyo siyaasiyiinta sida rasmiga ah uga mid ah ololahaan ayaa soo ogaatay inay Madasha cusub kusoo biireen  qaar ka tirsan Musharixiintii ka qeyb galay doorashadii dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.

RIIX HALKAN: DAAWO WARBIXIN BUUXDA

Sida xogta sheegeyso waxaa madasha si rasmi ah ugu biiray Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo kamid ahaa musharixiintii doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya u tartantay, waxaana la xaqiijiyey inuu si weyn usoo dhaweeyey dhismaha madashaan isagoo kamid noqday siyaasiyiinta xubnaha ka ah ama ka shaqeenayo sidii loogu guuleysan lahaa danah loo dhisay.

RIIX HALKAN: Odayaasha Dhaqanka Muqdisho oo ka hadlay Arinta

Sidoo kale xog hoose ayaa muujineysa inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud fariin hambalyo ah usoo diray Xisbiga Daljir oo ah xisbiga dhigay gogoshada madashaan lagu dhisay.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO XILDHIBAAN Ciyaar Jecel oo dicaaya Farmaajo

Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Doorashadii Soomaaliya ee uu Farmaajo ku guuleystay ka kala galay kaalmaha labaad iyo seddexaad, waxayna horey u ballan qaadeyn inay dowladda Farmaajo la shaqeyn doonaan lamana ogo waxa hadda ku kalifay inay kamid noqdaan madal lagu mucaaradayo dowladda cusub.

Waxaa jira warar sheegaya in bisha Augost ay xildhibaanadan diyaariyeen Mooshin ka dhan ah xukumadda, sidoo kale ay uyeeri doonaan madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, olalahan ayaa waxaa la ogaanayaa iney raali ka tahay dowladda dalka Kenya oo dadaal ku bixineysa iney meesha ka saaraan xukumada cusub ee Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)