DHAGAYSO XOG BUUXDA: Yaa Ka dambeeya Olalaha looga soo horjeedo DFS ee ka socda Nairobi, Maxaase ka ogtahay Wal-Walka haysta Madaxweyne Farmaajo

Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa  isugu tagay xildhibaanadii ugu badnaa oo katirsan labada gole ee Barlamaanka.

Abaabulkan ay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka wadeen magaalada Nairobi ayaa looga dhawaaqay Dallad isbaheysi xildhibaanno ah oo la magac baxay HOREUSOCOD.

Hadaba, dad badan ayaa isweydiinaya, xildhibaanadan, inta ay la eg yihiin, cida soo qaban qaabisay iyo halka uu gaarsiisan yahay qorshahooda.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAAL & XOG

Tirada Xildhibaanadda

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada xildhibaanada ku sugan magaaladda Nairobi ee sameystay Ururkan ay uga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada ilaa haatan la ogyahay ayaa ah 88 mudane, halka warar kale ay sheegayaan iney gaarayaan ilaa 110 Xildhibaan.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO DOORKA JAWAARI EE ARINTAN

Yaa soo abaabulay Xildhibaanada Yaana Hogaaminaya?

Xildhibaanadan oo si hoose qorshahan u waday ayaa Kutladda ay sameeyeen guddoomiye looga dhigay C/rashiid Xiddig, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan ujeedka xildhibaanadaasi iyo cidda ka dambeysa.

Warar la ogaaday ayaa sheegaya in xildhibaanada tallaabadan qaaday ay yihiin inta badan kuwii QABYO ee taageersanaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka mid yihiin wasiiro iyo mas’uuliyiin  xilal hore ka soo qabtay dowladii hore.

RIIX HALKAN: XOG BUUXDA

Waxaa ugu firfircoon saaxiibadii Madaxweyne Xasan Sheekh, sida wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo wasiiru dowlihii madaxtooyada, wasiirkii hore amniga, wasiiru dowlihii hore ee maaliyadda, iyo xubno kale waxaana ka mida xildhibaano ujeedka ugu weyn yahay inay cudud u muujiyaan dowladda Farmaajo iyo Xasan Kheyre, isla markaana siyaasad ahaan khalkhal geliyaan dowladda cusub oo ay ku eedeeyeen ku takri fal awoodeed iyo la-tashi la’aan.

Waa Maxay Qorshahooda?

Xildhibaanada ayaa sheegay iney diirada saarayaan sidii loola xisaabtami lahaa dowladda gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo xukumada.

Laakiin Warar kale ayaa sheegaya iney jiraan qorshe lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah madaxda dowladda gaar ahaan Ra’isul Wasaaraha iyo xukumadiisa.

Xildhibaanada ayaa ka mideysan inaan wax latashiyo ah aysan ku dhisneyn Xukumada, isla maraana xukunkii dalka dad gaar ah ay wareegsadeen.

Si kastaba, Xildhibaanadan oo umuuqda kuwa ku kalsoon arimaha ay sameynayaan ayaa la filayaa iney Muqdisho ku laabtaan.

Taageerada ay ka doonayaan Wadamada Deriska ah

Waxaa lasoo sheegayaa in gudi Xildhibaanadaas kamid ah ay la fadhiisan doonaan madaxda Kenya iyo sidoo kale Itoobiya si ay arimahaas ugala hadlaan iyo barnaamijyada ay wadaan.

Sababta ay Kenya iyo Itoobiya ay taageerada uga raadinayaan ayaa ah iney kulamada ku qabsan karaan wadamadooda gaar ahaan Nairobi marka ay ubaahdaan.

Sidoo kale, waxaa ay doonayaan iney siyaasada Farmaajo iyo dalalkaas deriska ah xumeeyaan.

Wal-Walka haysta Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa mashquul aheyd, iyadoo madaxweynuhu uu aad uga wal walsan yahay xildhibaanadan mucaaradsan.

Waxaa jira kulamo dhex maray Farmaajo iyo qaar kamid ah lataliyaashiisa si arimahaas loo falanqeeyo isla markaana talaabo looga qaado.

Cabsida ugu weyn ee Farmaajo ayaa ah in lakala fur furo siyaasadii ugaarka aheyd ee uu doonayay inuu Soomaaliya ku maamulo


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)