DHAGAYSO: Wasiirka Amniga oo ka xumaaday In reer Muqdisho ay Qalad ufahmeen Arinta Hub ka dhigista

Wasiirka Amniga Somaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa sheegay in si khaldan loo fasiray go’aankii ay Golaha Wasiirada soo saareen bishii May, kuna aadanaa hub ka dhigista Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo baaq u diraayay shacabka reer Muqdisho, ayaa ugu baaqay in ay is dejiyan, isagoona ujeedada xukuumadda ku sheegay in la gaaro Caasimadda Muqdisho oo mid xasiloon ah.

Wasiirka, ayaa sheegay in magaalooyinka kale ee dalka aan lagu dhex qaadan wax hub ah, sidaasi si lamid ahna loo baahan yahay inaanay askartu hubka ku dhex qaadan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa waxaa uu ciidamada ka hawlgala Saldhiga Muqdisho uu ugu yeeray kolka ay shaqada ka baxayan in qoryahooda uga dhex galaan saldhigyada ay ka hawlgalan.

HOOS KA DAAWO WASIIRKA AMNIGA

Maxamed Abuukar Islow, ayaa ku celiyay inaanan cidina laga yeeli doonin in hubka ku dhex qaadato magaalada, haddii go’aankaasi uu yahay mid ay gaartay xukuumadda.

Wasiir Ducaale oo xalay kormeer ku tagey kontoroolada ay Ciidamada Dowladda ku sugan yihiin, ayaa sheegay in Alle uu ka rajeynayo in ay sii socoto xasiloonida ay ku afurayan bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay