DHAGAYSO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalkii Maxaas & Dhimashada oo gaartay heer aad uxun

Dagaal khasaaro badan gaystay, ayaa xalay ka dhacay duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay beelo halkaasi wada degga.

Beelahan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wada muransan yihiin deegaamayn laga samaynayay deegaanka Banyaaley, oo hoos-tagga Degmadaasi Maxaas.

Gudoomiyaha Galgaduud  ayaa xaqiijiyay in dagaalka labadaasi beelood uu salka ku hayo khilaaf ka dhashay lahaanshiyaha dhul bannaan.

Dadka dhintay ayaa ilaa haatan lasoo sheegayaa iney gaartay ku dhawaad 10 qof halka ilaa 20 kalana ay ku dhaawacmeen

Hoos ka dhagayso SABABTA Dagaalka & Khasaaraha

Dhaawacyada, ayaa waxaa loo kala qaaday isbitaalada Baledweyne iyo Guriceel, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Maxaas.

Maamulka Galgaduud iyo kan Hiirshabelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas oo xal laga gaaro.

Dagaalkan, ayaa saamayn ku yeeshay xuduuda kala qaybisa Gobolada Galgaduud & Hiiraan, waxaana soo badanaya baaqyada loo jeedinayo labadaasi beelood.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay