DHAGAYSO: Warar laga naxo oo naga soo gaaray Balcad & Dadkii ugu badnaa oo ku dhintay dagaalkii…

Warar laga naxo ayaa kasoo baxaya xaaladda degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe halkas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen beelo wada dega.

Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa soo gaaray ilaa shalay galinkii dambe kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Ku dhawaad 10 qof ayaa lasoo sheegayaa iney ku dhinteen dagaaladaas, waxaana haatan socota isku dayo lagu xalinayo khilaafaadkii dagaaladaas keenay.

Maamulka Hiirshabeelle ayaa ciidamo udiray beelaha dagaalamaya si ay ukala dhex galaan, waxaana sidoo kale wadahadalaya odayaasha labada beel ee dagaalamaya.

HOOS KA DHAGAYSO WARARKII UGU DAMBEEYAY


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)