(DHAGAYSO QISO XANUUN BADAN) 19 jir ah fariin udirtay Dowlada cusub kadib Markii ay maalmo la suuxsaneyd Kufsi Amisom ugeysatay

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday mid kamid ah tacadiyadii ugu xumeyd uguna murugada badneyd ee loo gaystay gabar da’yar.

Ciidamada Amisom ayaa xabsi ku xareystay gabar ardayad 19 jir ah iyagoo ku ciyaaray mustaqbalkeeda, isla markaana mudo dheer ay la miir daboolneyd.

QISO Xanuun badan ayay gabadhan oo degeneyd degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho la wadaagtay dadka Soomaaliyeed si fariiteeda meel dheer loo gaarsiiyo.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO QISADA GABADHA.

Intaas loogama harin, ee gabadhan ayaa markii ay waalidkeed bilaabeen iney arintan ka dacwoodaan waxaa loo taxaabay xabsiga iyadoo ilaa haatan aan la ogeyn meel uu ku sugan yahay nolol iyo geeri.

Fariintan ayaa si gaar ah ugu socota dowlada cusub ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si kastaba, Amisom ayaa si joogta ah kufsi iyo dilalba ugu haysa gabdhaha iyo shacabka kale ee Soomaaliyeed iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay arintaas.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay