Home WARARKA (DHAGAYSO) Militeriga DF oo sheegay iney dileen Hogaamiye katirsan AlShabaab ( MAGACIISA)

(DHAGAYSO) Militeriga DF oo sheegay iney dileen Hogaamiye katirsan AlShabaab ( MAGACIISA)

2
0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ciidamada DF Soomaaliya iyo AlShabaab ku dhexmaray duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hub aad uculus ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dambeeyay kadib markii AlShabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowlada.

Hase ahaatee, sargaal uhadlay ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga ay weerarka qaadeen fariisimo AlShabaab leeyihiin ayna halkaas ku dileen hogaamiye sare oo AlShabaab.

Taliyaha militeriga Qeybta 26 guutada sedexaad Xasan Maxamed Abukar  ayaa sheegay in isaga uu hogaaminayay dagaalkaas isla markaana ay ku dileen hogaamiye Shabaab ah oo lagu magacaabayay Abu Bilaal.

Hoos ka dhagayso Wareysi Buuxa

https://www.youtube.com/watch?v=phWUq7uy9Go&feature=youtu.be

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here